Duqaymo ka dhacay Jubooyin oo faahfaahin laga bixiyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay Duqeyn dhinaca cirka ah oo Diyaaradaha Mareykanka oo kaashanaya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay ka fuliyeen deegaanka Wadajir oo ku yaalla duleedka degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu diley Saddex Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab,isla markaana wax khasaaro ah uusan kasoo gaarin dadka rayid ah ee deegaankaas ka ag dhawaa.
Warsaxaafadeedka ka soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga oo kaashanaya Saxiibadooda Mareykanka ay qaadeen taxadar dheeri ah oo ku aadan ka hortagga waxyeelada rayidka inta lagu gudajiro ladagaalanka kooxda argagaxisada ah iyadoo si buuxda loo baarayo eedaymaha lasoo wariyo,waxayna intaas ku dareen inay Tani aad uga duwantahay weerarrada aan loo aabayeelin ee ay Al-shabaab ku qaadaan shacabka Soomaaliyeed.
Duqaymaha ka dhacay gobolka Jubada dhexe ayaa imaanaya ayadoo Al-Shabaab ay Shalay weerareen degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada hoose Halkaas ay Fariisimo ku leeyihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaalia iyo AMISOM sidoo kale isla shalay wuxuu weerarkale ka dhacay deegaanka Ceel-saniini oo isna ka tirsan gobolkaas shabeelada Hoose.
Saraakiisha Ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolka shabeelada hoose ayaa sheegay inay weeraradaas Qasaare ka soo gaadhay xubnaha shabaabka ee weerarka Soo qaaday,Walow ay dhanka kale Jiraan warar sheegaya uin ciidamada dowlada dhankoodana qasaare soo gaaray.
Dowlada Fedraalka Soomaaliya Faahfaahin Rasmi ag kama Bixin weerarka shalay waarigii shabaabku ku qaadeen degmada Qoryooley balse duqaymaha ka dhaxay gobolada Jubooyinka ayay dowlada Soomaaliya sheegtay in looga Jawaabayo weerarkii shabeelada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here