Duqaymo Xalay ka dhcay gobolada Jubooyinka

Wararka Ka imaanaya gobolka Jubbada dhexe ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay duqeymo ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolkaasi Jubada dhexe.
Duqeynta ayaa la sheegay in lala beegsaday saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana xubnahasi ka mid ah kuwa la weeraray Madaxii Amniga Dibada AL shabaab, xili uu shir kasoo baxay safarna u ahaa deegaano hoos yimaada degmada Jilib Sida ay warbahaintu sheegtay.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa warbahainta gudaha Soomaaliya u sheegay in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray saraakiisha iyo ilaaladooda.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeynta ay dhacday wax yar uun kadib markii uu soo dhamaaday shir looga hadlayay amniga oo ay lahaayeen xubnaha Al-Shabaab ka tirsan
Sidoo kale wararka ayaa Tilmaamaya in Sarkaal sare oo lagu magacaabo Abu Sufiyaan lagu dilay weerarkaas, kaasoo ahaa Madaxii Amniga Dibada ee Al_Shabaab
Lama oga wadanka laga leeyahay diyaaradaha fuliyay duqeyntaas, sidoo kale ma jirto cid ka madax banaan saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo xaqiijisay duqeymaha la sheegay inay xalay ka dhaceen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here