Duulimaadyada caalamiga oo caawa la hakinaya

Waxaa saqda dhexe ee caawa lagu wadaa in la joojiyo duulimaadyada caalaamiga ee dalka imaan jiray ama ka safray jiray kaddib amarkii Axadii la soo dhaafay ka soo baxay Dowladda.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale ay sii korortay dadka ee ilaa iyo hadda laga helay cudurka Covid-19.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa galinkii dambe ee shalay ku dhawaaqay in la xaqiijiyay in 25 qof ay cudurka qabaan.
Amarkan lagu hakinaya duulimaadyada caalamiga ayaa laga soo reebay oo aan saameyn doonin diyaaradaha xamuulka sido oo shaqalahooda laga doonaya inay u hoggaansamaan talooyinka caafimaad.
Wasiirka caafimaadka ayaa sheegay in markii dowladda ay Kenyaanka iyo ajaaniibta haysta degganaanshaha wadanka u ogolaatay inay dalka soo galaan, qaar ka mid ah aynan is-karantiilin sidaas awgeed waxaa hadda kaddib lagu sameynayaa karantiil Khasab ah muddo 14 cisho ah
Cidii diiddo inay u hoggaansato talada ah si iska isku karantiil oo dadka ha soo dhex gelin , gacanta ayaa lagu dhigaya si dacwad loogu soo oogo.
Sido kale wasiirka ayaa ardayda Kenyaanka ee ka soo laabanaya wadamada sida Maraykanka, Ingiriiska iyo kuwa kale kula taliyay inay amarkan ilaaliyaan oo aynan marnaba isku dayin inay diidaan karantiil.
Mr. Kagwe ayaa soo jeediyay in dadka da’yarta ah ee dalka dib ugu soo laabanaya aynan ku dhawaan waayeellada maadaama sida uu sheegay ay soo baxday in waayeelka uu cudurkan u nugul yahay sidaas awgeedna kuwo badan ay qaab noocan oo kale ah ku dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here