Duulimaadyada caalamiga oo maanta dib u billaabanaya

Waxaa maanta dib uu bilaabaneysa duulimaadyada caalamiga taas oo loo hakiyay sababo la xiriira fayraska Corona.
Tani ayaa timid kaddib amar todobaadyo ka hor ka soo baxay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Waxay tallaabadan qeyb ka tahay fududeynta xayiraadihii horay loo saaray safarrada si loo xakameeyo faafitaanka cudurka COVID19.
Dowladda ayaa sheegtay in kaliya la ogol yahay rakaabka ka imanaya wadamada kala ah; Shiinaha, Kuuriyada Koonfureed, Japan, Canada, Zimbabwe, Itoobiya, Switzerland, Ingiriska, Qatar, France, Netherland Rwanda, Uganda, Namibia, Morocco iyo Imaaraatka.
Duulimaadyada ka imanaya dalka Mareykanka ayaa loo oggolaan doonna kuwa ka imaanayo gobolada California, Florida iyo Texas ee dalkaasi.
Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo kaabayaasha wadooyinka ee dalka Mr. James Macharia ayaa sheegay in dadka ka imaanaya dalka dibaddiisa oo herkulka jirkooda ka sareenin 37 la karantiili doonin
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in dadka cudurka laga baarayo 96 saaacadood ka hor safarkooda sidoo kalena aysan lahaanin astaamo sida qufac joogta ah, neefsashada oo ku adkaata ama astaamo u eg hargab.
Shirkadaha diyaaradaha ayaa sidoo kale looga baahan doonaa inay siiyaan qalab looga hortagaya cudurka rakaabka diyaaradda saran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here