Duulimaadyada gudaha oo billaabanaya 15-ka bishan

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta sheegay in duulimaadyada gudaha wadanka ay dib u billaaban doonaan 15-ka bishan Toddobaad.
Duulimaadyada caalamiga ee dalka ayaa dib u billaaban doono koowda bisha sideedaad ee sannadkan.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in safarrada gudaha iyo dibadda ay dib u furmi doonaan marka si buuxda loo dhaqangeliyo talooyinka caafimaad ee dhanka gaadiidka.
Dhanka kale madaxweynaha ayaa muddo 30 cisho ah ku kordhiyay amarkii lagu mamnuucay isku imaatinka dadweynaha iyo goobaha lagu caweeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here