Duulimaadyada gudaha oo toddobaadkan dib u billaabanaya

Shirkadda qaran ee duulimaadyada ee Kenya Airways ayaa sheegtay in maalinka Arbacada ee toddobaadkan ay dib u billaabayso duulimaadyada gudaha wadanka.
Tani ayaa timid kaddib amar maalmo ka hor ka soo baxay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Waxay tallaabadan qeyb ka tahay fududeynta xayiraadihii horay loo saaray safarrada si loo xakameeyo faafitaanka cudurka COVID19.
Koowda bisha sideedaad ayaa la filayaa inay dib u furmaan duulimaadyada caalamiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here