Duulimaadyada Kenya oo laga qaaday xayiraadii ay saartay Tanzania

Waxaa ugu dambeyn xal laga gaaray muran soo jiray labo bilood oo ay dowladda Tanzania hawadeeda kaga mamnuucday diyaaradaha laga leeyahay Kenya.
Maamulka duulimaadka rayidka ee Tanzania (TCAA) ayaa bayaan uu soo saaray shaaca kaga qaaday isbeddelka ku yimid go’aankii hore.
Waxaa hadda dalka Tanzania safarro ku tagi karo diyaaradaha shirkadda qaran ee Kenya Airways, Fly 540 Limited, SafariLink Aviation iyo AirKenya Express Limited.
Heshiiska la gaaray ayaa yimid kaddib markii dowladda Kenya ay Tanzania ku dartay liiska dalka looga soo safri karo waxaana Meesha laga saaray shardi ahaa in dadka wadankaas ka yimaado la geliyo karantiil 14 cisho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here