Duulimaadyada maxalliga ee Indonesia oo dib u soo laabtay

Waxaa dib u billowday duulimaadyada gudaha wadanka Indonesia iyadoo diyaaradaha ay sidaan rakaab ah boqolkiiba 70%.
Waxaa si buuxda loogu hoggaansamayaa amarro maanta dhaqan galay.
Wasiirka gaadiidka ee dalka Indonesia Budi Karya Sumadi ayaa sheegay in xeerarkan cusub lagu dhawaaqay kaddib wada tashi dhex maray shirkadaha duulimaadyada, guddiga wadankaas u qaabilsan la tacaalidda cudurka COVID-19 iyo wasaaradda caafimaadka.
Shuruudda waxaa ka mid ah in dhammaan rakaabka laga doonaya inay sitaan maaskarada lagu xirto sanka iyo afka , inaynan aad isugu dhawaan sido kalena ay soo bandhigaan shahaado muujinaysa in caabuqa corona laga baaray lagana waayay.
Dib u soo laabashada duulimaadyada gudaha ee dalka Indonesia ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale la xaqiijiyay xaalado dheeraad oo la xiriira cudurka Covid-19.
Kiisaska coronavirus ee Indonesia ayaa garaay 33,076 kaddib markii la diiwaangeliyay 1,043 cusub halka dhimashadu ay marayso 1,923 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here