Duulimaadyada Nigeria oo dib u billowday

Waxaa maanta dib u furmay duulimaadyada gudaha ee wadanka Nigeria kaddib saddex bilood oo ay hakad ku jireen.
Tani ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda dalkaas ay ku qafiifinayso amarradii horay loogu dhawaaqay si loo xakameeyo faafidda fayraska corona.
Waxaa furmay garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Abuja iyo Lagos.
11-ka bishan ayaa la filayaa in dib loo furo garoomo kale oo dhowr ah halka kuwa ugu dambeeyay ay howlahooda billaabayaan 15-ka July.
Nigeria ayaa laga xaqiijiyay ku dhawaad 30,000 oo ah xaaladaha coronavirus iyo dhimasho gaaraysa 669 qof .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here