Duulimaadyada Tooska ah ee Soomaaliya iyo Uganda oo dib u bilowday

Duulimaadkii ugu horreeyey ee isku xiraya Muqdisho Caasimada Soomaaliya iyo Kampala Caasimada Uganada oo toos ah ayaa maanta ka biloway Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, ka dib muddo bilo ah oo safarka xagga cirka ah ay labada wadan u kala xirnaayeen sababo la xiriira Cudurka safmarka ah ee Corona Virus.
Shirkadda diyaaradaha ee ku duusha calanka dalkaas ee Uganda Air waxay sameyn doontaa todobaadkii saddex maalmood oo ah duulimaadyadii caadiga ahaa ee Soomaaliya iyo Uganda oo istaagay bishii March ee sanadkaan 2020-ka, xilligaas oo inta badan duulimaadyada caalamiga ah ee dunida loo joojiyey saamaynta cudurka.
Michael Kalisa oo ah maamulaha Taya-dhawrka Uganda Air iyo Gudoomiyaha midawga duulimaadyada gudaha Soomaaliya Cali Axmed Faarax ayaa guul muhiim ah ku tilmaamay dib u soo laabashada duulimaadyadii toos ka ahaa ee isku xirayey Muqdisho iyo Kampala.
Shirkada Uganda Air ayaa sameeyn doonta duulimaadyadeeda Muqdisho iyo Kampala maalmaha Axadda Talaadada iyo Khamiista Sida lagu sheegay warka ka soo baxay labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here