EACC oo baaritaan ka sameysay xafiisyada iyo guriyaha barasaabka Kirinyaga

Saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa maanta howlgallo ka sameeyay xafiisyada iyo guriyaha guddoomiyaha ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru.
Goobahan la baaray ayaa ku kala yaalla Nairobi iyo Kirinyaga
EACC ayaa dabagal ku haysa dokumeentiyo la xiriira safaro la sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha ismaamulka Kirinyaga ay u adeegsadeen 23 milyan oo shilin.
Guddiga ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu howlagalladan sameeyay kaddib ogolaansho uu ka helay maxkamadda Nyeri .
Saraakiisha ayaa raadinaya macluumaad loo adeegsan karo baaritaanada ku saabsan lunsasho lacageed oo la soo tabiyay.
EACC ayaa baaritaano ku billowday Waiguru 10-kii bishii lixaad ee sannadkan kaddib markii ay soo baxeen eedeymo ah inay ku takriifashay dhaqaalaha dadweynaha loogu adeego xilligaas oo ay socdeen dadaalo xilka looga qaaday in kastoo markii dambe go’aankaasi meesha laga saaray.
Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sido kale baaritaano ku sameynaya 38 sarkaal oo ka mid ah shaqaalaha ismaamulka Kirinyaga oo la filayo inay fariimo qoraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here