EACC oo baaritaano ka sameysay xafiiska Mike Sonko

Qaar ka mid ah saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa howlgallo ka sameeyay xafiiska gaarka ah ee uu barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko ku leeyahay xaafadda Upper Hill.
Waxaa dhacdadan warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka sonko Ben Mulwa .
Mr. Mulwa ayaa sheegay in ilaa 20 sarkaal ay gudaha u galeen xaruntaas iyagoo ku andacoonaya inay dabagal ku hayaan qaabka uu Sonko xafiiskaas kula wareegay.
EACC ayaa baaritaano ku hayso dokumeentiyo ay ka mid yihiin sabarloogada dhulkaas balse Milke Sonko ayaa carrabka ku adkeeyay inuu si sharci ah dhulkaas ku iibsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here