EACC oo baaritaano ku haysa 8 guddomiyeyaal ismaamul

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa baaritaano ku wada ugu yaraan sideed gudoomiyeyaal ismaamul oo dheeraad ah kuwaas wajahaya dacwado ku saabsan musuqmaasuqa madaama uu sii xoogeysanayo lunshashada kheyraadka dadweynha.
Guddoomiyaashan ayaa kala ah barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru, Maxamuud Cali (Marsabit), Amason Kingi (Kilifi), Alex Tolgos (Elgeyo Marakwet), Cali Bunow Qorane (Garissa), Wycliffe Wangamati (Bungoma), Charity Ngilu (Kitui) iyo Mwangi wa Iria (Murang’a).
Waxaa soo ifbaxday in Ms Waiguru laga yaabo inay ku jirto dhibaato ka badan sidii markii hore loo maleynayay iyadoo guddiga anshaxa iyo ladagaalanka musuqmaasuqa (EACC) ay ka wadaan baaritaano dheeraad ismaamulka haweeneydan laga soo doorto ee Kirinyaga.
Waaxda ayaa baareysa qaabkii loo soo iibiyay mashruuca Biyaha ee Mwea Makima taas lagu qarash gareeyay 77 milyan oo shilin.
EACC ayaa dhanka kale dabagal ku haysa dokumeentiyo la xiriira safarro la sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha ismaamulka Kirinyaga ay u adeegsadeen 23 milyan oo shilin
Barasaabka Marsabit Maxamuud Cali, ayaa loo haysta soo iibinta raashinka gargaarka ee la sheegay in sannadkii hore lagu soo iibiiyay lacag qiimaheeda lagu wareersan yahay.
EACC ayaa dhowr jeer tagtay xafiisyada ismaamulkaasi iyagoo raadinaya dokumeenti faahfaahinaya qaabkii loo iibiyay galley iyo digir, loo qeybiyay dadka deegaanka.

Waxaa la sheegay in ismaamulkaasi uu ku iibsaday galley qiimo aad u saraya oo ah 7,000 oo shilin halka 90 kiilo oo digir ah oo laga siiyay 12,000 oo shilin marka loo eego qiimaha suuqa uu ka yahay ee 3,500.
Saraakiisha ugu saraysa ee ilaa iyo hadda wax laga waydiiyay arrintaan ee ismaamulka Marsabit waxaa kamid ah Maliche Boru oo ah madaxa dhaqaalaha iyo madaxa wax soo iibsiga Wario Jurumo.
EACC ayaa ismaamulka Kilifi ka wadda baaritaanada laba arrimood oo kala duwan.
Tan koowaad, dambi baarayaashu waxay isku dayayaan inay soo saaraan in dowlad degaankaasi ku xadgudbay sharci kasta ee ah bixinta khidmadaha sharciga ee shirkadaha kala duwan ee sannadihii 2015 ilaa 2019.
Maamulka Mr Kingi ayaa sidoo kale laga codsaday inay siiyaan EACC dukumiintiyo ku saabsan sida loo soo iibsaday 150 sariirood oo ah kuwa gaarka ah oo loogu talagalay dadka uu soo ritay cudurka COVID19.
Lix saraakiil oo ka tirsan maamulka Kilifi ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay hor istaageen EACC iyaga oo u diiday inay helaan dukumiintiyada loo baahan yahay.
Barasaabka ismaamulka Bungoma Wycliffe Wangamati ayaa loo haysta qaabkii maamulkiisa u adeegsaday lacagaha Covid-19 waxaana la sheegay inuu iibsaday jergamo qiimahoodu u yahay 10,000 oo shilinka dalka ah.
Baaritaannada ilaa hadda la sameeyay waxay muujinayaan in shirkadaha la siiyay qandaraasyada aysan marin nidaamka soo iibsiga.
Barasaabka ismaamulka Kitui Ms Charity Ngilu ayaa loo haysta in maamulkeeda uu jabiyay sharciyada wax soo iibsiga iyo hanaanka lagu bixinayo in ka badan 150 milyan oo qandaraasyo ah.
EACC ayaa wada baaritaano ku saabsan soo iibinta sunta cayayaanka oo qiimaheedu lagu sheegay 8.3 milyan oo shilin, soo iibinta buugaag yaryar oo qiimahoodu dhan yahay 37.4 milyan oo shil iyo 8 milyan oo shilin oo la siiyay shirkado caymis oo kala duwan.
Bilowgi Bishii July ee sannadkan ayaa guddiga xisaabaadka ee aqalka senete-ka waxay su’aalo weydiiyeen Ms Ngilu qaabkii maamulkeeda uu u maareeyay lacagaha dadweynaha.
Waxay markaasi ay ku guuldareysatay in ay ku qanciso sida wax soo iibsiga kala duwan ay u fuliyay maamulkeeda.
Gaarisa gudaheeda EACC waxay ku dhowdahay in dhameystirto baaritaanka ku saabsan in la weeciyay lacagaha Bangiga Aduunka oo loogu talagalay mashaariicda horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Sida lagu sheegay baaritaanada, qeyb ka mid ah 233 milyan oo shilin ayaa si sharci darro ah loogu wareejiyay waaxyaha Biyaha, Caafimaadka iyo shirkadda GAWASCO.
Waxaa sidoo kale baaritaanada EACC lagu sheegay Lacagta inteeda kale lagu soo qaatay qaab caddaan ah qaarna waxaa loogu isticmaalay mashaariic horumarineed sida iibinta taangiyada, dawooyinka iyo dayactirka ceel biyood.
Guddoomiyaha ismaamukaasi Cali Bunow Qorane ayaa waxaa uu kamid yahay saraakiisha ilaa iyo hada wax laga weydiiyay fadeexadan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here