EACC oo dhaqangelinaysa xeer lagu xoojinaya la dagaalanka musuqmaasuqa

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa dhaqangelinaya xeer cusub oo dhawaan la soo saaray.
Guddoomiyaha EACC Eliud Wabukala ayaa sheegay in xeerka qaran ee anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa uu ku saleysan yahay ka hor tagga falalka wax isdaba marinta ,waxbaridda iyo wacyigelinta bulshada , tababarrada , dacwad soo oogidda , fulinta shuruucda dastuurka , maxkamadeynta eedeysanayaasha iyo dib u helidda hantida la dhacay.
Tallaabadan lagu soo bandhigay nidaamkan ayuu Wabukala ku tilmaamay mid taariikhi ah.
Wuxuu intaa ku daray inay xeerkan adeegsan doonaan iyadoo si gaar ah loo tixgelinaya rabitaanka shacabka ee ku aaddan qorshayaasha horumarineed ee maamulka Jubilee.
Guddoomiyaha guddiga EACC ayaa intaa ku daray inay xoogga saari doonaan baaritaanada ugu saameynta badan marka la eego shakhsiyaadka ay taabanayaan , danta dadweynaha iyo qiimaha dhaqaalaha la lunsaday.
Sido kale waxaa dabagal lagu sameyn doonaa hantida uu qofku helay ee uusan faahfaahin sida ay ku soo gashay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here