EACC oo dib u heshay dhul laga dhacay waaxda saadaasha hawada

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa dib ula wareegay dhul cabirkiisu yahay 53 eekar oo horay si sharci darro ah lagu qaatay.
Dhulkan ayaa qiimihiisu yahay 5 bilyan oo shilinka dalka.
EACC ayaa sheegtay in dhulkan 23 sano ka hor laga dhacay waaxda saadaasha hawada ee wadanka.
Garsoore Elijah Obaga oo ka howlgalo maxkamadda qaabilsan arrimaha deegaanka iyo dhulalka ayaa amray in waxba kama jiraan laga soo qaado sabar-loogooyin la isticmaalayay.
Guddiga EACC ayaa sheegay inuu geedisocodka dhulkan dib lagula wareegay soo billaabay sannadkii 2009-kii waxayna qaadatay muddo sagaal sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here