EACC oo sheegtay in cid kasta oo musuqmaasuq sameysa lala xisaabtamaya

Madaxa fulinta ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC , Twalib Mbarak ayaa sheegay in tallaabo sharciyeed laga qaadaya qof kasta oo ku lug yeesho falalka wax isdaba marinta.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in saraakiisha EACC aynan marnaba ka daali doonin dabagalka ay ku hayaan barasaabyada lunsado kheyraadka dadweynaha.
Warqad uu u qoray guddoomiyaha golaha hoggaamiyaasha ismaamullada ee CoG ahna madaxa dowlad deegaanka Kakamega Wycliffe Oparanya,ayuu Twalib Mbarak arrinkan shaaca kaga qaaday.
Waxaa uu dhanka kale tallaabo aan habbooneyn ku sheegay go’aanka golaha CoG ee ah inuu meesha ka saaraya heshiisyada xayaysiinta ee kala dhexeya warbaahinta Nation ee dalka.
Mr. Oparanya ayaa dhawaan sheegay in warbaahinta ay ku kacday olole lagu sumcad dilaya barasaabyada.
Hasa ahaate madaxa fulinta ee EACC ayaa ku nuuxnuuxsaday inay sharci ahaan khalad tahay in loo hanjabo ama ciqaab aynan mudneyn la mariyo shirkad u adeegta shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here