EACC oo sheegtay inay si dhow ula socoto qaabka loo isticmaalaya dhaqaalaha covid-19

Madaxa fulinta ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC Mr. Twalib Mbarak ayaa sheegay inay dabagal ku sameynayaan sida loo adeegsanaya lacagaha ay dowladda dhexe u isticmaalayso maareynta cudurka Covid-19.
Sido kale waxaa uu xusay inay diiradda saarayaan wasiirada ismaamullada iyo geedisocodka la xiriira soo iibsashada agabka kala duwan.
EACC ayaa intaa ku dartay inay ku dadaalayso ka hor tagga lunsashada kheyraadka loogu talagalay wax ka qabashada cudurka saameeyay dalka iyo dunidaba.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii hay’adda xuquuqul aadanaha ee muslimiinta ee MUHURI ay sheegtay in wasaaradda caafimaadka laga doonayo inay faahfaahin ka bixiso qaabka ay u adeegsanayso deeq ay ka heshay bangiga dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here