EACC oo soo gaba gabeesay baaritaanadi ay ka sameysay xafiisyada maamulka KEMSA

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa soo gabagabeesay baaritaanada ku saabsan fadeexada maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA.
Maamulka KEMSA ayaa lagu eedeyay inuu wax isdabarin ku sameeyay qandaraas ku kacayay 7.7 bilyan oo shilin oo lagu soo iibiyay agabka la isaga difaaco cudurka Covid19 ee (PPEs) .
Saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa maalmihi ugu dambeeyay howlgallo ka sameeyay xarunta dhexe ee maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr.Nuurdiin Xaaji ayaa sheegay in guddiga EACC ay ku soo wareejiyeen faylka baaritaanada.
Mr Nuurdiin Xaaji ayaa sheegay in guddi khubaro ah uu u magacaabay si ay u sameeyaan dib u eegis madax bannaan oo dhammaystiran oo ku saabsan galka baaritaanka oo ay ii soo gudbiyaan guddiga EACC.
Baritaanada ayaa yimid kaddib markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu horay hay’adaha dambi baarista u qabtay 21 cisho oo ay baritaano dhameystiran kaga soo saarayaan fadeexaddan si weyn looga hadal hayo gudaha wadanka.
Horaan ayey ahayd markii shaqada laga joojiyey madaxa fulinta maamulka qeybiya daawooyinka dalka ee (KEMSA) Dr Jonah Manjari , agaasiamha ganacsiga Eliud Murith iyo agaasimaha waaxda iibka Charles Juma.
Dhanka kale xilli wasiirka wasaaradda caafimaadka Mutahi Kagwe arrintan wax laga weydiiyay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu farageliyay qandaraasyo uu bixiyay maamulka qaabilsan soo iibinta sido kalena qaybinta agabka iyo daawooyinka caafimaad ee KEMSA.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here