EACC oo su’aalo weydiisay guddomiye Ku xigeenka Jubilee

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Jubilee David Murathe ayaa mar kale sheegay in ku xigeenka madaxweyne dalka William Ruto uu qayb ka yahay fadeexada lacago loogu talagalay la dagaalanka cudurka COVID-19 oo la rumeysan yahay in la lunsaday.
Mr Murathe ayaa shalay muddo afar saacadood su’aalo lagu weydiiyay xafiiska guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa EACC ee magaaladatan Nairobi waxaana wax laga weydiiyay inuu sharraxaad ka bixiyo xiriirkiisa maamulka qaabilsan soo iibinta sido kalena qaybinta agabka iyo daawooyinka caafimaad ee KEMSA.
Waxaa uu beeniyay inuu wax lug ah ku lahaa lacago loogu talagalay la dagaalanka cudurka COVID-19 oo la rumeysan yahay in la lunsaday waxaa uuna eedeynta uu Murathe beeniyay u jeediyay madaxweyne ku xigeenka Dr Ruto.
Wuxuu xusay inuu filayo in EACC ay u yeeri doonta Dr Ruto si ay warbixin ay uga duubto arrintan.
Mr Murathe ayaa sidoo kale dalbaday in qofkasta oo la socday lunsashada lacagaha Covid-19 uu u gudbiyo xafiisyada EACC.
Fadeexadda laga soo tabiyay maamulka KEMSA ee sida weyn looga hadal hayo gudaha dalka ayaa waxaa hadda baaritaano ku sameynaya guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here