EACC oo u yeertay 13 ka mid ah wakiillada ismaamulka Kisumu

13 ka mid ah wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Kisumu ayaa lagu wadaa in ay maanta tagaan xarunta guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ee dowlad deegaankaas.
EACC ayaa sheegtay in siyaasiyiintan ay intii u dhexeysay 2018-2019-kii si aan sharci ahayn ku qaateen lacago gunnooyin ah xilli ay ka tirsanayeen guddiga miisaaniyadda ee golaha hoose ee Kisumu.
Sidoo kale afar ka mid ah saraakiisha dowladda hoose ee Kisumu ayaa laga dalbaday in ay qoraan farriimo la xiriira eedeymahan.
Ku xigeenka madaxa guddiga EACC u qaabilsan gobolka Nyanza Aura Chibole ayaa sheegay in wakiilladan ay gunnooyin sharci darro ah qaadan jireen marka ay yeeshaan kal-fadhiyada kala duwan.
Mas’uuliyiinta ay EACC su’aalaha weydiin doonto waxaa ka mid ah hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha hoose ee Kisumu Kenneth Onyango.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here