Eedeyn loo jeediyay madaxweyne Farmaajo

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay guddoonka golaha shacabka inay doonayaan in muddo kororsi sameystaan iyagoo oggolaansho ka haysto Madaxweyne Farmaajo.
Waxaa uu sheegay in aan laga aqbali doonin qorshaha ay waddaan Gudoomiye ku xigeenka koowaad iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.
Hoggaamiyaha Xisbiga ayaa sidoo kale Caddeeyay in Madaxweyne Farmaajo inuu doonayo in uu ka baxo heshiiska Dhuusamareeb.
Warka Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaan siddaan u qornaa:
Guddoonka Golaha Shacabka ( guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa 1-aad) oo ay muddo xileedkooda 3 bil ka harsantahay ayaa doonayo in uu muddo kororsi sameysto. Waxeyna oggolaasho ka heystaan Madaxweynaha oo raba in uu heshiiskii Dhuusamarreeb ka baxo. Waa mid laga filayey madaxweynaha iyo guddoonka Golaha-ba.
Waxey doonayaan in ay ansixiyaan qorshihii muddo kordhinta ee uu Guddiga Doorashada soo jeediyey, kaddibna xukuumadda eedda la saaro mooshin gacan taag ahna lagu rido.
Ujeedka ugu wayn ee Guddoonka Golaha Shacabka waa in la burburiyo natiijadii ka soo baxday shirkii Dhuusamarreeb oo ay Soomaalidu iyo beesha caalamka taageereen, gaar ahaan Dowladda Mareykanka iyo Midowga Afrika. Waxey kaloo doonayaan in ay carqaladeeyaan shirka lagu balansanyahay 15-ka Agoosto oo isla Dhuusamarreeb ka dhici doona. Tani waa billawgii dhammaadka Golaha Shacabka. Intii rajada ka lahaydna, maanta ayey ka quusan doonaan oo ay si buuxda u taageeri doonaan shirka Dhuusamarreeb.
Waxaana halkaas ku soo afjarmaya doorasho qof iyo cod ah oo ay shacabka Soomaaliyeed ogaayeen in ay aheyd oraah xaq ah, laakiin marin habaabin loola jeeday. كَلِمَةُ حَقٍّ يُرَادُ بِهَا بَاطِلٌ‎.
Shaki iigama jiro in shirka Dhuusamarreeb uu guulaysanayo, Waxaanse ka cabsi qabaa in xildhibaanno badan oo fursad doorasho soo heli kara ay ku lug go’aan marinka qaldan ee Mursal iyo Muuddeey. Haddii fawdaddii iyo gacan taag ku ridistii beenta ahayd loo laabto, waa qof walba taagtii iyo taageeradii, wixii xasilooni dari iyo qalaalse ah ee uu dalku galo masuuliyadeeda Madaxweynaha, Mursal iyo Muudeey ayaa dusha u ridanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here