Eedeysanayaal dhowr ah oo loo qabtay lacagtii laga xaday xaafadda Nairobi west

Ciidamada dambi baarista ee dalka ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen laba eedeysanayaal oo dheeraad ah oo lala xariirinayo dhac maalmo ka hor laga gaystay xaafadda Nairobi West .
Saraakiisha ayaa sido kale xusay inay lacag dhan 2.3 milyan oo shilin oo la rumeysanyahay inay ka mid ahayd 72 milyan oo la xaday ay ka soo heleen guri ku yaalla ismaamulka Machakos kaddib howlgalo ay sameyeen.
Warbixinada laamaha ammaanka ayaa tilmaamaya inay xireen eedeysane John Kamau Mulei oo geeyay guriga ayeydii Ms Mary Kyalo oo ku yaalla tuulada Kalumoni ee Machakos.
Waxaa gurigaasi dhexdiisa lagu qariyay oo ay sarakiisha soo heleen 2,389,000 oo shilinka dalka ah.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in John Kamau ay wada dhasheen Bernard Mwendwa oo toddobaadkii hore la qabtay.
Qaar ka mid ah xubnaha qoyska gurigooda lagu arkay lacagtaasi ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay.

 

Taliyaha booliska ee Nairobi ,Philip Ndolo ayaa warfidiyeenada u sheegay inay hadda baaritaano sameynayaan si eedeysanayaasha maxkamad loo soo taago.
Ilaa iyo hadda waxaa la soo helay 9 milyan oo ka mid ah lacagtii la xaday oo dadka lagu eedeyay ay boolis ku jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here