Eedeysanayaal la soo taagay Maxkamada Ciidanka Jubbaland

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta u fadhiisatay dhagaysiga laba dacwadood oo loo haysto saddex eedaysane oo isku kiis ah iyo laba eedaysane oo iyagana isku kiis ah oo dhammaantood ay xeer ilaalintu ku soo eedeysay in ay dil geysteen.
Magacyada eedaysaneyaasha saddexda ah ayaa kala ah:
Cabdiqafaar Bishaar Xasan
Bille Buraalle Dhaqane
Yuusuf Xuseen Xasan
Seddexdaan eedeysane oo ka tirsan ciidanka booliska Jubbaland ayaa loo haystaa eeda ah in ay dileen nin shacab ah oo xoogsato ah dilkana uu ku yimid jirdil loo gaystay marxuum lagu magacabi Jiray Nuur Maxamed Cabdulle.
Sidoo kale waxaa maxkamadda ka soo hor muuqday eedaysaneyaasha ah Faarax Cabdirashiid Cilmi iyo Maxamed Rashiid Maxamuud oo loo haysto eeda ah dil ay u gaysteen Marxuum Cabdifataax Maxamed falkaan ayaa ka dhacay miyiga galbeed ee dagmadda Kismaayo gaar ahaanna deeganka Ungumi.
Dhagaysiga dacwada eedeyaanayaasha kadib maxkamadda ayaa kulanka soo xirtay waxaana loo balamay kulan kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here