Eedeysanayaal lagu helay foolasha maroodiga oo maanta la maxkamadeynaya

Waxaa maanta maxkamadda ka soo hormuuqan doono 5 eedeysane oo ay ciidamada booliska sheegeen in la soo qabtay iyagoo sita foolasha maroodiga oo ah 18 kiilogaraam qiimo ahaanna ku fadhiya 1.8 milyan oo shilin.
Dadkan oo laga soo qabtay ismaamulka Kajiado ayaa waxay saraakiisha ammaanka sheegeen in labo macallin ay ka mid yihiin.
Sarkaal ka tirsan waaxda dambi baarista ee dowlad deegaanka Kajiado oo lagu magacaabo Isaac Meme ayaa xusay in tuhmanayaasha gacanta lagu dhigay xilli ay foolasha ku safrinayeen nooca baabuurta ee loo yaqaano Probox.
Taargada gaariga ayaa ah KCB 980D waxayna sido kale isticmaalayeen mooto lagu diiwaangeliyay taargada ah KMCU 851 S .
Wararka ayaa intaa ku daraya in la arkay maroodi lagu dilay goobta loo yaqaano Emotoroki ee deegaanka Mashuru .
Mr. Meme ayaa hoosta ka xarriiqay in weli la raadinaya qorigii lagu dilay maroodiga.
Wuxuu dhanka kale digniin adag u diray cid kasta oo ku lug leh ugaarsiga duurjoogta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here