Eedeysanayaal lagu qabtay Mombasa oo baaritaano lagu hayo

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee twitarka ku sheegtay in laamaha ammaanka ay weli baaritaano ku sameynayaan 7 qof oo lala xariiriyay falal burcadnimo oo dhawaan ka dhacay deegaano ka tirsan ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta.
Dadkan ayaa habeen hore lagu xiray deegaanka Kisauni kaddib xog saraakiisha ay ka heleen dadweynaha.
Magacyada eedeysanayaashan ayaa lagu kala sheegay Abubakar Mothar ,Maxamad Juma Bakari ,Shaban Nyati,Maxamad Cabdallah , Maxamad Badi ,Said Salim Ndaro iyo Seif Kai Makembamba .
Saldhigga booliska ee Kisauni ayay hadda ku jiraan iyadoo su’aalo la weydiinayo si haddii dembi lagu caddeeyo maxkamadda loo soo tago.
Laamaha ammaanka ee Mombasa ayaa sido kale warbaahinta u sheegay in xabsiga loo taxaabay oday 70 sano jir ah oo lagu tilmaamay sixirrow ay dhalinyaradan u tagi jireen ka hor inta aynan fal dhac ah gaysan iyo sido kale marka uu dhaawac soo gaaro si uu u daaweeyo.
Sido kale saraakiisha ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha dhalinyarada ku qaado inay burcadnimo ku kacaan iyo waalidiinta in laga doonayo inay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa carruurtooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here