Eedeysanayaal lala xiriirinayo argagixisada oo 8 maalmood xabsi ku jiraya

Maxkamadda ayaa laamaha ammaanka u ogolaatay inay muddo 8 cisho ah xabsiga ku sii hayaan 5 qof oo la qabtay maalinkii Sabtida kaddib markii looga shakiyay falalka argagixisada.
Ciidamada qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee ATPU ayaa gacanta ku soo dhigay shakhsiyaadkan markii la arkay iyagoo kormeer ka sameynaya goobta lagu caweeyo ee Whiskey River pub oo ku taalla wadada Kiambu Road.
Booliska ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in sido kale la soo helay waxyaabo dhowr ah sida baabuur ay adeegsanayeen ,baasaboorka Maraykanka, kaarka ilaalada ee safaaradda Maraykanka , lacagta wadamo kala duwan, surwaalka ciidamada hawada ee dalka iyo kombiyutarro
Dadka la qabtay ayaa isugu jiro saddex muwaadiniin soomaali ah, hal Kenyaan iyo mid kale oo haysta dhalashada Maraykanka.
Magacyadooda ayaa lagu kala sheegay Maxamad Cabbaas Maxamuud oo Maraykan ah, Maxamad Xasan Bario ,Hodan Cabdi Ismaacil ,Ifrax Maxamad Abshir oo muwaadiniin soomaaliyeed ah iyo darawal Kenyaan oo magaciisu lagu sheegay Maxamad Aadan.
Saraakiisha waaxda dambi baarista ayaa su’aalo ay eedeysanayaasha weydiiyeen kaddib, shalay maxkamadda geeyay waxaana loo qabtay maalmo dheeraad oo ay baaritaannada ka dhanka ah ku soo gabagabeynayaan.
Go’aanka maxkamadda waxaa ku dhawaaqday garsoore Zainab Cabdul
Afar ka mid ah eedeysanayaasha ayaa lagu hayn doonaa xabsiga xarunta dhexe ee ciidamada ATPU halka qofka shanaad oo 16 sano jir ah la geyn doono saldhig kale.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamada ammaanka ay waxba kama jiraan ku tilmaameen digniin ku aaddanayd in la qorsheynayo weerar argagixiso oo laga fuliyo gudaha caasimadda dalka.
Sido kale madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan saraakiisha ammaanka amar ku siiyay inay si weyn ula dagalamaan kooxaha argagixisada iyo cid kasta oo ku sugan gudaha dalka ee la shaqeysa ama taageero u muujiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here