Eedeysanayaal lala xiriirinayo argagixisada oo maxkamadda la soo tagay

Waxaa maanta maxkamadda Milimani ee magaaladatani Nairobi la soo taagay saddex qof oo lagu eedeeyay falalka argagixiso.
Laba ka mid ah shakhsiyaadkan ayaa laga qabtay xaafadda islii ee deegaanka Kamukunji.
Midka saddexaad ayay wararku sheegayaan in gacanta lagu soo dhigay xilli uu sawirro ka qaadayay xarunta ciidamada loo yaqaano Recce ee deegaanka Ruiru ee ismaamulka Kiambu.
Dhanka kale saraakiisha waaxda qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee ATPU ayaa su’aallo weydiinaya ilaa saddex qof oo galinkii dambe ee shalay la soo qabtay.
Dadkan ayaa gacanta lagu soo dhigay maadaama lagu tuhmay inay ka mid yihiin kooxaha loogu yeero argagixisada kaddib markii ay isku dayeen inay gudaha u galaan saldhig milatari oo ingiriiska uu ku leeyahay deegaanka Nanyuki ee ismaamulka Laikipia.
Taliyaha booliska ee gobolka Rift Valley ,Marcus Ocholla ayaa warbaahinta u sheegay in dadka la qabtay aynan hubeysanayn balse la dareemay inay u dhaqmayeen qaab laga dheehan karo niyad xumo ama qorsheynta fal aan wanaagsaneyn.
Waxaa sido kale qabashada eedeysanayaashan xaqiijiyay isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley ,George Natembeya.
Saldhigga ay doonayeen inay gudaha u galaan ayaa loo yaqaanaa (BATUK) ilaa iyo haddana ma cadda ujeedadii ay lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here