Eedeysanayaal lala xiriirinayo tahriibka oo la filayo in maxkamadda la soo taago

Waxaa maanta la filayaa in maxkamadda la soo taago laba eedeysane oo loo haysto inay ka macaashaan tahriibka.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in galinkii dambe ee shalay la soo badbaadiyay dad dhowr ah oo ku xirnaa ama lagu hayay hal qol oo ku yaalla Ushirika Estate ee ka tirsan xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji, magaaladatani Nairobi.
Arrintan ayaa timid kaddib markii saraakiisha dambi baarista oo adeegsanaya xog ay shacabka ka heleen ay howlgal fuliyeen.
Ciidamada ka howlgalo saldhigga booliska ee Pangani ayaa markii ay gurigaas tageen waxay soo qabteen ilaa 13 qof oo laba ka mid ah ay ajaaniib yihiin.
Magacyada ajaaniibta ayaa lagu kala sheegay Thabit Hanni Yaseen Radman iyo Faren Yassin Radman sida uu muujinaya qoraalka waaxda DCI.
Baaritaan laga sameeyay qol ku xigay midka ay labadan ruux ku jireen kaasoo la rumeysan yahay inuu iyaga u kireysnaa ayaa lagu arkay 11 qof oo wadanka u dhashay oo ay da’doodu u dhaxayso 23 ilaa 30 sano.
Waaxda DCI ayaa intaas ku dartay in dabagal dheeraad oo la sameeyay lagu ogaaday in ajaaniibta ay dadka la qabtay oo ah haween da’a yar u qorayeen inay ka shaqeeyaan bariga dhexe.
Ilaa iyo hadda lama shaacin wadamada ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan eedeysanayaasha hasa ahaate hadda xabsiga ayay ku jiraan oo su’aalo lagu weydiinayaa.
Sannadkii hore ayay ahayd markii warbixin uu Maraykanka soo saaray lagu sheegay in Kenya aynan weli gaarin heer ay meesha uga saarto tahriibka ama musaafurinta aadanaha in kastoo ay dadaalo sameynayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here