Eedeysanayaal loo haystay dhac laga gaystay xaafadda Nairobi West oo damiin lagu siidaayay

Waxaa maanta maxkamadda la soo taagay 6 eedeysanayaal ah oo lala xariiriyay fal dhac ah oo toddobaadkii hore laga gaystay xaafadda Nairobi west ee magaaladatani Nairobi.
Falkaasi ayaa lacag dhan 74 milyan looga xaday mid ka mid ah mashiinada lacagaha lagala baxo ee loo yaqaano ATM-ka.
Saddex ka mid ah eedeysanayaal ayaa ah ciidamo boolis waxaana sido kale lagu soo oogay dacwad ah inay burburiyeen qalab ay leedahay shirkadda G4S oo qiimo ahaan ku kacaya hal milyan.
Garsoore Francis Andayi oo ka howlgalo maxkamadda Milimani ayaa maanta amray in tuhmanayaasha lagu siidaayo damiin lacageed oo dhan hal milyan .
Waxaa dhammaantood laga doonaya inay maxkamadda ku soo wareejiyaan baasabooradooda.
Qareenka u doodayay David Ayienda Mochogu, Duncan Luvuka, Vincent Owuor, Boniface Mutua, Alexander Mutuku iyo Francis Muriuki, Cliff Ombeta ayaa sheegay in saraakiisha dacwad soo oogidda aynan soo bandhigin sababo keeni karo in eedeysanayaasha aan damiin lagu siidaynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here