Eedeysanayaal loo haystay inay ka dambeeyeen weerarkii Westgate oo xukunkooda dib loo dhigay

Saddex tuhmane oo lagu eedeeyay weerarkii argagixiso ee dhismaha ganacsiga Westgate Mall ee Nairobi ee sannadkii 2013-kii ayaa maanta la soo taagay maxkamad ku taal Nairobi si xukun loogu rido.
Eedeysanayaasha ayaa xukunka ka hor xakiimka ka codsaday in la siiyo waxyaabaha aasaasiga.
Garsooraha maxkamadda sare Francis Andayi ayaa fursad ay isku difaacaan eedeysanayaasha siisay isagoona xukunka dib u dhigay ilaa 5-ta Oktoobar ee sannadkan.
Saddexda ayaa lagu soo oogay kaalintii ay ku lahaayeen weerarkii argagixiso ee dhismaha Westgate, iyagoo taageeray koox argagixiso ah iyo inay dalka ku joogeen si sharci darro ah.
Bishan sagalaad ayay ku beegan tahay sanadguuradii toddobaad ee ka soo wareegatay xilligii la weeraray dhismaha ganacsiga ee Westgate Mall ee Nairobi.
Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa sheegatay inay ka dambaysay weerarkaas oo socday muddo afar maalmood ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here