Eedeysanayaal loo haysto inay dad ku dileen Nakuru oo xabsiga ku sii jiraya

16 eedeysanayaal ah oo lala xiriiriyay shaqaaqooyin dhawaan ka dhacay deegaanka Mariashoni ee ismaamulka Nakuru oo maanta maxkamadda la soo taagay ayaa xabsiga ku sii jiri doono muddo 10 cisho ah.
Tani ayaa timid kaddib markii maxkamadda ay ogolaatay codsi ka yimid saraakiisha dacwad soo oogidda oo ahaa in la siiyo maalmo dheeraad oo ay baaritaanada ku soo gabagabeynayaan.
Eedeysanayaal oo ay ka mid yihiin ku xigeenada guddoomiye xaafadeedyada ayaa loo haystaa guriyo la gubay , dhaawac iyo dil loo gaystay shakhsiyaad xilli uu dagaal beeleed dhacay.
Dagaalka ayaa u dhexeyay qowmiyadaha Kipsigis iyo Ogiek waxaana ku dhintay 5 qof sida uu warbaahinta u sheegay isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley George Natembeya.
Dhaawaca ka dhashay isku dhacyadaas ayaa ah 83 halka 3008 qof oo kale ay guriyahooda ka barakaceen.
Dhanka kale waxaa maanta billaabanaya wada hadalo nabadeed oo xaaladda halkaas ka taagan lagu dejinaya .
Dagaal beeledyada ayaa saameeyay ilaa 10 tuulo waxaana qoyaska barakacay loogu baaqay inay guriyahooda dib ugu soo laabtaan .
Arrimahan ayaa ku soo aadaya kaddib markii dhawaan ismaamulka Nakuru lagu soo rogay Bandow shaqeynaya 5 cisho oo jiraya inta u dhexeysa 6-da maqribnimo ilaa 7-da aroornimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here