Eedeysanayaal loo haysto weeraradii Kamuudeey iyo Sareedo oo maxkamadda la soo taagay

Waxaa maxkamadda magaalada Garissa la soo taagay saddex eedeysane oo lagu soo oogay dacwado ah inay fududeeyeen weeraradii lagu qaaday deegaanada Dadaab iyo Faafi oo ka tirsan ismaamulkaas.
Weeraradaas ayaa lagu dilay afar arday iyo saddex macallin.
Eedeysanayaasha ayaa kala ah Xareed Duuboow Keynaan, Aadan Soomane iyo Aadan Guure .
Waxay dhammaantood iska fogeeyeen eedeymaha loo soo jeediyay iyagoo maxkamadda ka codsaday inay damiin ku siidayso balse waa laga diiday.
23-ka bishan ayaa kiisaska ay wajahayaan saddexda eedeysane mar kale dib loo soo hadal qaadi doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here