Eedeysanayaal loo soo xiray dilal dhawaan laga gaystay deegaanka Banisa ee Mandera

Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Mandera ayaa sheegay inay soo qabteen eedeysanayaal dhowr ah oo loo haysto falal hal maalin ka hor ka dhacay tuulada duummaal , deegaanka hoose ee Malkaamari ee Banisa kaasi oo lagu dilay 9 qof.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Mandera Mr. Onesmus Kathya ayaa warbaahinta u sheegay in deegaankaasi la geeyay ciidamo dheeraad ah si ay ammaanka u sugaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in saraakiisha ay gacanta ku soo dhigeen eedeysanayaal , tallaabo sharciyeedna laga qaadi doono.

Sido kale beelaha ku nool deegaanka Banisa ayuu Mr. Onesmus ugu baaqay inay si nabad ah ku wada noolaadaan .
Waxaa uu bulshada ku booriyay inay dowladda garab ku siiyaan la tacaalidda dagaal beeleedyada mararka qaar dhaco.
Guddoomiyaha ayaa sido kale ku baaqay in saraakiisha ammaanka fursad buuxda loo siiyo fulinta howlgalada ay waadaan isagoo dhanka kale digniin adag u diray cid waliba oo iskudaydo inay aargoosi sameeyso.

Iyadoo madaxda ismaamulka Mandera uu saaka kulan uga socday Banisa aya lagu soo warramayaa in laba qof oo kal lagu dilay tuulada Qalim ee isla deegaankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here