Eedeysanayaal uu ka mid yahay xildhibaanka Sirisia oo maanta la maxkamadeynaya

Maxkamadda Milimani ee magaaladatani Nairobi ayaa la filayaa inay maanta xukun ku riddo mudanaha laga soo doortay deegaanka Sirisia John Waluke iyo Grace Wakhungu oo labaduba loo haysto fadeexad la xiriirta galeeyda.
Fadeexadda oo ka dhalatay galeey la sheegay in lagu wareejiyay guddiga qaran ee keydinta dalagga ee (NCPB) ayaa la rumeysan yahay in lagu lunsaday 314 milyan oo shilin.
Garsoore Elizabeth Juma oo dacwaddan maalmo ka hor dhagaysatay ayaa sheegtay in dacwad oogayaasha ay soo bandhigeen cadeymo aan shaki ku jirin.
Eedeysanayaasha oo maalmahan xabsi ku jiray ayaa maanta mar kale maxkamadda dib loogu celinayaa.
Mr. Waluke ayaa ka badbaaday eedeymo ku saabsanaa inuu dokumeenti wax ka beddelay.
Xafiiska agaasimaha dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa sheegay inay qaadatay wax ka yar labo sano in kiiskan la soo gabagabeeyo.
Kiisaskan ayaa lagu sheegay mid ka mid ah kuwa ugu horeeyay ee uu ansaxiyay Nuurdiin Xaaji tan iyo markii uu xilka la wareegay bishii afaraad ee sannadkii 2018-kii.
Mr.Waluke iyo Grace Wakhungu ayaa ka mid ah agaasimayaasha shirkadda Erad Suppliers .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here