Eedeysane loo haysto inuu dad ka dhacay 16 milyan oo berri maxkamadda la soo taagaya

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twittarka ku sheegtay inuu berri maxkamadda ka soo hormuuqan doono Paul Mwangi Warutere.
Ninkan ayaa lagu tilmaamay qof aad u khiyaano badan oo intii u dhexeysay bilihii toddobaad iyo sideedaad ee sannadkan dad aan ka shakin ka dhacay ugu yaraan 16.9 milyan oo shilin.
Shalay ayaa gacanta lagu dhigay eedeysanahan oo loo haysto inuu lacagtan qaatay kaddib markii uu shakhsiyaadka uu khiyaanay uu ka dhaadhiciyay qandaraas waxbo kama jiraan ah.
DCI ayaa sido kale sheegtay in Paul Mwangi uu wajahaya kiisas kale oo yaalla maxkamadaha Nairobi.
Waxaa dacwadahan ka mid ah inuu haweeney ka dhacay 13.7 milyan oo shilin.
Berri ayaa la soo taagi doonaa maxkamadda si loogu soo oogo dacwadaha ka dhanka ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here