Eedeysane loo haysto inuu muwaadiniin ka dhacay malaayin shilin si u ugu soo dhoofiyo gawaari

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twittarka ku sheegtay inay gacanta ku dhigtay nin caan ah oo magaciisu lagu sheegay Patrick Olindo Aswani islamarkaana laga soo qabtay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA.
Ninkan ayaa lagu eedeeyay in muwaadinin badan lacagahooda ka dhacay isaga oo sheegay inuu gawaari uga soo iibinaya dalka dibadiisa.
Caasimadda dalka ee Nairobi ayaa eedeysanahan laga gudbiyay kiisas la xiriira shakhsiyaad u malaayin ka dhacay iyadoo kiisas la mid ah ee laga soo sheegaya saldhigyda kale booliska ee dalka ku yalla.
Haddii uu jiro shakhsi ama waaxyo kala duwan oo uu ninkaan khiyaanaay waxaa laga codsanayaa sida ay DCI-da sheegtay inay la xiriiraan xarunta dhexe ee waaxda ee magaaladatan Nairobi si loo caawiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here