Eedeysane loo qabtay dil wariye loogu gaystay deegaanka Kibera ee Nairobi

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ee xaafadda Kilimani , magaaladatani Nairobi ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan qof eedeysane ah oo lala xiriirinayo dil dhawaan wariye loogu gaystay Nairobi gaar ahaan deegaanka Kibera.
Eedeysanaha ayay da’diisu tahay 19 sano waxaana lagu tuhmayaa inuu ka mid ahaa burcad ka koobneyd 6 qof oo dilkaasi ka dambeysay.
Wariyaha ayaa lagu magacaabi jiray Maxamad Xuseen Marijan wuxuuna ka howlgalayay idaacadda Pamoja FM.
Saraakiisha ayaa weli baaritaano wado iyadoo aan ilaa iyo hadda la ogaan sababta suxufiga looga takhalusay.
Taliyaha booliska Kilimani ,Lucas Oigara ayaa sheegay in cid kasta oo falkaas ku lug lahayd la soo qaban doono si loola xisaabtamo.
Dhanka kale golaha warbaahinta dalka ee MCK ayaa sheegay in sannadkan gudihiisa in ka badan 30 wariyaal ah la dilay iyagoo bulshada u adeegaya halka sannadkii hore tiradan ay ahayd 56.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here