Ekuru Aukot oo soo jeediyay in bandowga uu billowdo 9-ka fiidnimo

Madaxa xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot ayaa dowladda ugu baaqay inay laba saac ku kordhiso xilliga uu billowdo bandowga habeenkii wadanka ka jiro.
Bandowga ayaa hadda shaqeeynaya inta u dhaxaysa 7-da fiidnimo ilaa iyo 5-ta aroornimo.
Hasa ahaate Ekuru Aukot ayaa ku talinaya in booliska aynan howlgalo billaabin ka hor 9-ka fiidnimo.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayuu ka codsaday inuu dib u eegis ku sameeyo bandowga.
Aukot ayaa carrabka ku adkeeyay in Kenyaanka badankoodu ay ku tiirsan yihiin qutul daruuri ay si maalinla ah ku soo dhacsadaan sidaas awgeedna xayiraadda habeenkii jirta ay saameyn ku yeelan karto nolosha dadweynaha.
Sido kale Dowladda ayuu ugu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha badan tallaabo uga qaado saraakiisha ammaanka ee lagu caddeeyo in iyagoo fulinaya bandowga uu ku dhawaaqay madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta ay ku xadgudbeen xuquuqda shacabka.
Dr. Aukot ayaa hoosta Ka xarriiqay in loo baahan yahay in la aqoonsado kaddibna dacwad lagu soo oogo ciidamo uu sheegay inay muuqaalo ka soo dhex muuqdeen iyagoo shacabka dhibaateeynaya xita waqtiga rasmiga ee uu bandowga billowdo oo aan la gaarin.
Hoggaamiyaha Thirdway Alliance ayaa agaasimaha waaxda DCI Mr. George Kinoti u soo jeediyay inuu baaritaano qoto dheer sameeyo.
Ciidamada booliska ee dalka ayuu ku eedeynaya inay ku kaceen jirdil iyo sida uu hadalka u dhigay howlgallo rabshadeysan oo keeni karo inuu sii faafo cudurka Covid19 ee lagu dadaalaya in la xakameeyo.
Dr. Aukot oo warqad u qoray abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai ayaa ku nuuxnuuxsaday in kastoo booliska ay waajibaadkooda shaqo gudanayaan haddana dhibaateynta shacabka aan loo qiil dayi Karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here