Faah faahin:Qarixii lagu dilay Guddoomiyihii degmada Awdheegle

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2017-10-14 14:02:52Z | |

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax Miino oo Maanta lagu dilay guddoomiyhii degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaraxa lala beegsaday gudoomiyha degmada Awdheegle ayaa dhacay xilli uu gudoomiyha marayay inta u dhaxeysa degmada Awdheegle iyo deegaanka Sabiib oo isla Awdheegle ka tirsan.
Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex ka mid ciidamada ilaalinayay guddoomiyha geeriyooday.
Allaha u naxriistee Maxamed Yarow ayaa mudo ka badan 6 sano wuxuu ahaa gudoomiyaha degmada Awdheegle,waxaana guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose oo qaraxaasi ka hadlay uu u tacsiyadeeyey ehelada guddoomiyihii degmada Awdheegle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here