Faah faahin shilal ka dhacay dalka oo ay dad ku dhinteen

4 qof ayaa lagu soo waramaya inay ku dhinteen shil ka dhacay wadada xariirisa Nairobi iyo Mombasa.
Shilkan ayaa dhacay kadib markii ay isku dhaceen garai saaloon ah iyo babaur kale oo xamuul ahaa.
Waxaana xaqiijiyay agaasimaha waaxda adeegyada deg dega ah ee ismamaulka Machakos David Mwongela
Dhanka kale Ugu yaraan todoba qof ayaa habeenkii xalay ahaa ku dhimatay shil baabuur oo ka dhacay wadada Lwandeti taasi oo isku xirta Eldoret iyo Malaba.
Shilkan ayaa waxaa sababy kadib markii ay isku dhaceen gaari mataatu ah iyo mooto taasi oo sababtay in baabuurka mataatuuda ahaa uu ka lumay xakamaynta.
Gaarika dadweynaha ee raacaan ee mataatuuka ayaana la sheegay kadib markii uu darawalkiisa lumiyay xakamaynta ay ku sii dhacday garai kale oo xamuul ahaa.
Wadihii mootada iyo dad kale oo saarnaa baabuurka ayaa isla goobtii uu shilku ka dhacay ku nafbaxay halka dadkii uu dhaawaca soo gaaray loo qaaday isbitaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here