FAAHFAAHIN: Dagaalka ka socda hotelka SYL ee Muqdisho

Rasaas ayaa wali laga maqli karaa gudaha hotel ku dhow madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku dagaalamayaan ugu yaraan hal dabley ka tirsan Alshabab iyo xoogagga Amaanka dowladda.

Weerar ku billowday xeelad dagaal oo u muuqatay mid ka duwan qaabkii ay Alshabab u weerari jireen hoteellada iyo goobaha kale ee bartilmaameedka u ah ayaa fiidkii caawa lagu galay SYL.

Kooxda weerarka qaaday oo lagu qadaray shan xubnood ayaa kadib dagaal toos ah oo ay la galeen ilaalada hotel SYL waxa ay maareeyeen inay gudaha u galaan.

Maxamed Cabdullaahi Tuulax, gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu ku sheegay in toboneeyo qofood oo ay mas’uuliyiin ku jiraan laga daadgureeyay hotelka.

Booliiska ayaa digniin u diray dadweynaha iyo saxafiyiinta inaysan ku dhawaan goobta mashaqada. Sida ay qoraal ku sheegtay taliye xigeenka.

Xilliga oo habeen ah iyo dirirta oo socota ayaa ka dhigeysa in aan la heli karin xogta sugan ee heerka waxyeellada nafeed iyo maaliyadeed ee ku xeeran shilka SYL. Mas’uuliyiinta dowladana war sugan kama soo saarin heerka khasaaraha.

Star fm, ayaa ku dedaaleysa inay kaa dhigto qofka ugu horreeya ee hela macluumaadka dhacdadan marka ay hubiso.

Nala joog.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here