Faahfaahin dheeraad oo ka soo baxaysa dhismihii ku dumay Kericho

Waxay faahfaahin dheeraad ah ka soo baxaysaa dhisme xalay ku dumay magaalada Kericho.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada wiil 6 sano jir ah oo laga soo saaray burburka gurigaas kaddib 5 saacadood oo la raadinayay.
Taliyaha saldhigga booliska ee Kericho Silas Gichunge ayaa warbaahinta u sheegay in wiilka oo dhaawac culus uu soo gaaray uu dhintay isagoo isbitaalka ku sugan.
Afar qof oo dheeraad ah oo ay dhaawacyo fudud soo gaareen ayaa hadda lagu daaweynayaan isbitaalka weyn ee ismaamulka Kericho.
Barasaabka dowlad deegaanka Kericho ,Paul Chepkwony iyo xildhibaanka deegaanka Ainamoi Sylvanus Maritim ayaa injineerrada uga digay inay ansaxiyaan in guri la dhiso iyadoo aan la sameyn xaqiijin dhameystiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here