Faahfaahin dheeraad oo ku saabsan weerarkii ka dhacay Yuumbis

Waxay faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay weerar galinkii dambe ee shalay laga gaystay tuulada Yuumbis ee deegaanka Fafi ismaamulka Garissa.
Sida laga soo xigtay taliyaha booliska ee gobolka waqooyi bari Mr. Rono Bunei ila iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada hal sarkaal oo boolis ah.
Saddex kale oo ay dhaawacyo soo gaareen ayay wararku sheegayaan in hadda lagu daaweynaya isbitaalka weyn ee Garissa.
Mas’uulkan ayaa xusay in israsaasayn xooggan ay ka dhalatay weerarka oo lagu soo qaaday qeybta ilaalada xuduudda ee Yuumbis.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ciidamada ammaanka ay iska caabiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here