Faahfaahin dheeraad oo ku saabsan weerarkii xalay ka dhacay Waranqara

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan deegaanka Lafey ee ismaamulka Mandera ,John Marete ayaa xaqiijiyay weerar xalay laga gaystay deegaanka hoose ee Waranqara.
Waxaa uu mas’uulkan sheegay in falkaas ay fulisay koox ka kooban 10 xubnood oo aad u hubeysnayd.
Kooxda oo bartilmaameedsanayay qalabka isgaarsiinta ee shirkadda Safaricom ee Waranqara ayaa soo tuuray bam gacmeed laba ah waxaana taasi ka dhashay iska caabin ay sameyeen ciidamada ammaanka.
Mr. Marete ayaa warbaahinta u sheegay inuu halkaas ku dhintay sarkaal ka mid ahaa ciidamada boolisk kaydka.
Sido kale waxaa la dhaawacay oo ugu dambeyn geeriyooday mid ka mid ah dableeydii weerarka soo qaadday.
Guddoomiyaha Lafey ayaa dhanka kale xusay inuu dhaawacmay wiil 10 sano jir ah oo ay ku dhacday xabad wiifto ah in kastoo xaaladiisa caafimaad aynan liidan.
Mr. Marete ayaa intaa ku daray in la xoojiyay amniga deegaankaas halka lagu raad joogo kooxdii weerarka gaysatay.
Dhanka kale Mudanaha laga soo doortay deeganaka Lafey ee ismaamulka Mandera Cabdi Mude Ibraahim ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku cambaareeyay falkaas.
Waxaa uu arrin murugadeeda leh ku tilmaamay in mar kale sarkaal ka tirsan ciidamada booliska keydka ee NPR weerar lagu dilay.
Mudanaha ayaa tacsi u diray qoyska uu ka baxay askariga dhintay iyo dhamaan shacabka Waranqara isagoo xusay inuu garab taagan yahay xilligan adag.
Saraakiisha ammaanka ayuu dhanka kale ugu baaqay inay tallaabo degdeg ah qaadaan oo ay gacanta ku soo dhigaan dadkii falkaasi oo uu qof shacab ah ku dhaawacmay ka dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here