Faahfaahin hor dhac ah oo ku saabsan shirka ammaanka ee ka furmaya Mandera

Waxaa maanta ismaamulka Mandera ka furmaya shirweyne ku saabsan sidii amniga loo xoojin lahaa si looga hor tago weerarada argagixiso ee saameeyay gobolka waqooyi bari.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb gali doono madaxda laga soo doortay ismaamulka Mandera,mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Si aan faahfaahin dheeraad ah uga helno ayaan goor dhaweyd wax ka weydiiyay wariyahayaga ismaamulkaas Maxamuud Maxamad Sheekh Lafagari.

Dhanka kale waxaa faahfaahin dheeraad ah daqiiqado ka hor na siiyay mid ka mid ah howlwadeenada dowladda ismaamulka Mandera.

Barasaabka ismaamulka   Mandera Cali Ibrahim Roba   oo shirka  khudbad ka jeediyay ayaa   yiri marka la hadlaya  maxaa     magaca  Al-Shabaab looga wareeganaya .

Waxaa uu bulshada   Mandera  iyo guud ahaan gobolka Waqooyi bari  ku boorriyay  inay kaalin weyn ka qaataan  arrimaha ammaanka.

Sido kale waxaa uu xusay in weerarrada  Al-Shabaab ay yihiin kuwo la  doonayo in  kala qeybsanaan   laga dhex abuuro  soomaalida dalka iyo bulshooyinka kale.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii shir noocan oo kale ah lagu qabtay Garissa waxayna madaxda iyo shacabka ku heshiyeen in iyadoo la kaashanaya dowladda dhexe la iska celiyo Al-Shabaab.
Saameynta gobolka ku timid ayaa waxaa ka mid ah dhanka tacliinta kaddib markii weeraro lagu dilay 7 qof oo saddex ka mid ah ay macallimiin ahaayeen ay ka dhaceen tuulooyinka Sareedo iyo Kamuudeey ee ka kala tirsan Dadaab iyo Faafi.
Dhacdooyinkaas kaddib, macallimiinta aan dhalasho ahaan ka soo jeedin gobolka ayaa billaabay inay isaga soo tagaan dugsiyadii ay wax ka dhigayeen iyagoo dalbanaya in la soo beddelo.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa barayaasha ugu baaqay inay dugsiyada ku sugnaadaan maadaama ammaanka si weyn loo sugayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here