Faahfaahin ka soo baxaysa weerar ka dhacayd degmada Balcad.

Waxay Faah faahino dheeraad ah kasoo baxayaan weerar la sheegay in saaka Xubno ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab ku qaadeen Fariisin Ciidamada dowladda soomaaliya ku leeyihiin Gudaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellahga Dhexe.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha Soomaaliya u sheegay in la weeraray Bar-koontorool oo laga ilaaliyo degmada Balcad ayna ku sugnaayeen ciidanka dowlada taasoo xigta dhanka wadada ka timaada dhinaca degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.
Wararka lag helayo Balcad waxay sheegayaan inuu jiro khasaaro ka dhashay dagaalkaas,waxaana dadka degmada Balcad ay sheegayeen in waaberigii hore ee saaka uu weerarka halkaasi ka dhacay.
Maamulka degmada Balcad iyo saraakiisha Ciidamada Millateriga Soomaaliya weli kama hadlin,waxaana la soo warinayaa in Ciidamada Dowladda oo wata Gaadiidka dagaalka ay howlgal ka wadaan duleedka Galbeed ee degmada Balcad gobolka shabeelada dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here