Faahfaahin ka soo baxaysa weerar Kismaayo ka dhacay

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan weerar bambaano oo xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamul Goboleedka Jubbaland.
Weerarkaan bambaano ayaa waxaa lagu qaaday Maqaaxi ku taalla Xaafada Kuba Ee Magalada Kismaayo, waxaana weerarkaas la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen Shan ruux oo Shacab ah.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in weerarkaasi bambaano, kadib Ciidamo ka tirsan Booliska Jubbaland oo aan ka fogeen halka bambada lagu tuuray ay rideen rasaas farabadan, in kastoo aan la xaqiijin khasaaro ka dhashay rasaastaas.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidamada Booliska Jubbaland ay xalay ilaa saakay Xaafada Kuba Ee Magalada Kismaayo ka sameeyeen howlgallo ay kusoo qabteen dad Dhalinyaro u badan, kuwaasoo saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in baaritaano lagu sameeynaayo.
Weerarada bambaano ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay ku kordheen Magaalada Kismaayo,waxaana sidoo kale Kismaayo ka dhacay 11-kii Bishii setember ee sanadkaan qarax ismiidaamin ahaa oo lagu dilay Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin.
Dhanka kale waxaa lagu soo warramayaa in Ciidamada Dowladda & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab uu Dagaalka ku dhex-maray duleedka degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Kolonyo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye & Awdheegle, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.
Goobjoogayaal ayaa warbahainta u sheegay in dagaal culus oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho & dhaawac uu dhex-maray Ciidamada dowladda & Ururka Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada dowladda dagaalka, kadib ay sii wateen socdaalkooda.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.
Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay dileen 9 Askari, sidoo kalena ay gaari gubeen, in kastoo aysan jirin warar madax bannaan oo xqaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.
Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa howlgallo kala duwan ka fuliya Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM, waxaana ay mararka qaar weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here