Faahfaahin ku saabsan ayax lagu arkay deegaanka Ceelwaaq ee Mandera

Waxay faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan ayax la sheegay inuu soo gaaray deegaanka Ceelwaaq ee ismaamulka Mandera oo la rumeysan yahay inuu ka soo gudbay dhanka wadanka soomaaliya.
Baraha bulshada ay ku wada xiriirto ayaa waxaa lagu faafiyay muuqaallo laga dhex arkaya shacabka oo ku dadaalaya inay ayaxa ka saaraan meelo uu ku dagay iyadoo qaar ka mid ah ay adeegsanayaan tuurmo iyo sawaxanka mootada ama dhugdhugleyda .
Meelaha ay wararku sheegayaan in lagu arkay waxaa ka mid ah Damasa iyo Borehole 11.
Si aan arrintan wax badan uga ogaano ayuu Mowlid Maxamad Shuuriye khadka taleefoonka kula xiriiray Cabdi Aadan Girro oo ka mid ah shacabka Ceelwaaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here