Faahfaahin ku saabsan baaritaan dhanka kansarka oo laga sameeyay Garissa

Waaxda dowladda ismaamulka Garissa u qaabilsan dhanka isgaarsiinta ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in baaritaan bilaash oo laba maalmood ay sameysay dowlad deegaankaas inay dad badan ka faaiidaysteen.
Baaritaanka ayaa 30 iyo 31-dii bishii hore ee sannadkan laga fuliyay isbitaalka weyn ee Garissa County Referral Hospital.
Waxaa looga gol lahaa in sare loogu qaado wacyigelinta bulshada sido kalena shacabka ay la socdaan xaaladooda caafimaad.
Waxaa baaritaano lagu sameeyay sida uu qoraalka muujinaya in ka badan 191 qof oo laga eegayay noocyada kansarka ee saameeya naasaha iyo minka.
Sido kale waxaa dadka si lacag la’aan ah looga baarayay cudurrada dhiig karka iyo sokoroowga.
Isku duwaha arrimaha Kansarka ee Garissa Fatuma Xasan Abubakar ayaa sheegtay in howshan lagu guulaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here