Faahfaahin laga helaya shil uu ku dhaawacmey guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka

Guddomiya ku xigeenka aqalka baarlamaanka ee dalka Moses Cheboi oo galay shil halis oo uu ku dhintay nin moota ama dhugdhugley waday ayaa xaaladiisa ay wanaagsan tahay.
Shilka ayaa ka dhacay wadada Mau Summit-Molo .
Daniel Misiani, oo ah nin waday mooto ayaa halka uu shilka ka dhacay ku dhintay , Wycliffe Kirongo oo ahaa rakabkii saarna waxaa soo gaaray dhawaac culus.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa waxay isku dhaceen mootada ,xili uu isku dayayay inuu ka leexdo wadada.
Taliyaha booliska ismaamulka Nakuru Titus Kizito ayaa xaqiijiyay in guddomiye ku xigeenka la geeyay isbital ku yaalo magalada Nakuru ka dib shilka, Dhaawac fudud ayaana soo gaaray.
Ninkii mootada waday ayaa meydkiisa waxa la geeyay xaruunta meydadka lagu dhigo ee Molo, halka rakabkii mootada saarna lagu daaweynayo isla isbitalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here